Xildhibaano kamid noqonaya Aqalka Hoose oo maanta lagu doortay Jowhar Iyo Cali Nuur Boodaaye Oo Laga Adkaaday

2
255

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle lagu doortay sadex Xildhibaan oo kamid noqnaya Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaakka Soomaaliya.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa ahaa qaarkood kuwa aad u adag oo lagu kala baxay codad aad isugu dhaw, waxaana doorashada kursi kamid ah loo baahday wareeg labaad.

Cali Nuur Xuseen (Boodaaye) oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga adkaaday doorashada ka dhacday Jowhar kadib tartan adag ay wada galeen labo Musharax oo kale .

Kursigan oo ahaa Kursiga Beesha Xawaadle /Cabdi Yuusuf ayaa waxaa ku tartamayay Cali Nuur Xuseen (Boodaaye) ,Ganacsade C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere) iyo Maxamed Aadan Geeddi .

Wareegii koowaad ayaana lagu kala bixi waayay kursiga, waxaana Wareega hore ugu cod badnaa Ganacsade C/Risaqa Dheere oo helay codad gaaraya 23 Cod Xildhibaan Boodaaye ayaa isna helay 22 cod halka Musharaxa kale uu helay 6 cod.

Wareega Labaad ee Doorashada ayaa waxaa ku guuleestay Kursigan loo tartamayay C/risaaq Axmed Maxamed oo helay 28 cod halka Ex Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ayaa isna helay 22 cod, waxaana Ganacsaha guuleestay codadka ugu shubayay Ergadii taageersaneed Musharaxii wareega koowaad ku haray.

Dhinaca kale Waxaa Dooarshada ka socota magaalada Jowhar iyana lagu doortay Maryan Axmed Haaruun oo kasoo jeeda Beesha Gaal Jecel, waxa ayan heshay Codad gaaraya 38 cod , iyadoona ka guuleesatay Zamzam Ibraahim Xuseen .

Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale waxaa lagu doortay Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed oo helay 38 cod, halka Cali Xasan Cusmaan uu helay 9 cod, waxaana kursigan iska laheed Beesha Ujeejeen.

Dooraashada ka socota magaalada Jowhar ayaa lagu doortay Xildhibaano gaaraya 23 Xildhibaan , waxaana wali harsan 14Xildhibaan oo kale, waxaana la filayaa in dhawaan lasoo gabo gabeeyo Doorashada Aqalka hoose ee ka socota Jowhar.

Comments are closed.