Al-Shabaab oo jaray Isgaarsiinta degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Gobolka Mudug

3
346

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya inay go’an tahay Isgaarsiinta deegaanadaas, kaddib markii la sheegay inay hawada ka saareen Al-Shabaab.

Isgaarsiinta degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ayaa tan iyo shalay hawada ka maqnaa, waxaana arrintan la sheegay inay ka dambeysay xiisad ka taagan deegaano ka tirsan degmooyinkaas oo dagaalo ku dhex maray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in isgaarsiin la’aanta ka jira deegaanadaas ay saameyn ku yeelatay xiriirka labada degmo ee Hobyo iyo Xarardheere.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay ciidan u dirayaan deegaanada ay xiisadaha ka jirto, si ay dadka deegaanka u taageeraan ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa lixdii sano ee u dambeeyay gacanta ku haya deegaano ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug.

Comments are closed.