Alexis Sanchez Oo Sharaxay Sababta Ay Jamaahiirta Gunners Uga Caawiyeen Inuu Barto Luqadda Ingiriiska

0
257

Weeraryahanka reer Chile iyo kooxda Gunners Alexis Sanchez ayaa la aaminsan yahay inuu hormar shaqsi ahaaneed ka sameeyay barashada iyo ku hadlidda luqadda Ingiriiska iyadoo ay xusid mudan tahay in laba sano kadib markii ugu horeysay uu dhawaan bixiyay wareysi uu adeegsaday luqadda Ingiriiska.

Mashiinkii h–e Barcelona ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Jamaahiirta Arsenal kuwaas oo uu sheegay iney wax badan ku caawiyeen sidii uu u baran lahaa luqadda Ingiriiska.

“Bilowgii waxaan maalintiiba qaadan jiray laba saacadood oo cashiro ah” Ayuu yiri Alexis, “Kadibna waxaan adeegsan jiray wixii aan bartay si aan ula xiriiro ciyaartoyda iyo maamulka, si dhab ah ayaan u jeclaa inaan barto English-ka, inaan barto waxey iga caawisay inaan hormar sameeyo”

“Saaxiibadeyda kooxda ayaa iga caawiyay wax badan, sidoo kalana qeyb ka mid ah waxaan kala imid safar socdaalkeyga wadooyinka”

“Dadka waxey iga dalban jireen inaan ku hadlo English, taasna waxey iga saaciday inaan hormariyo ku hadalkeyga iyo dhageysigeyga English-ka”

“Maalmo dhaweyd waxaan si toos ah u bixiyay wareysigeygii iigu horeeyay ee aan ku bixiyo luqadda ingiriiska nolosheyda” ayuu yiri Alexis isagoo la hadlayay website-ka kooxda.

Ugu dambeyntiina Alexis Sanchez ayaa u mahad celiyay Jamaahiirta Gunners kuwaas oo ka caawiyay inuu hormar ka sameeyo luqadda Ingiriiska madama ay mar walba oo ay ku arkaan wadooyinka ay kula hadlaan sidoo kalana ay ka dalbadaan inuu ugu jawaabo.