Arsenal oo dhageysanaysa dalabyada lagu doonayo Mestu Ozil

0
358

ozila

 Sida ay warineyso jariiraddda the Telegraph Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada lagu doonayo kubbada qaabeeyaheeda Mesut Ozil haddii uu laacibka heshiis la gaari waayo kooxda.

Qandaraaska uu 28-jirka iminka kula joogo Gunners ayaa dhacay 2018, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa iska iibin karaya Ozil ka hor waqtigaa haddii uu kordhin waayo heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium.

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/1f/6c/

Alexis Sanchez iyo Ozil ayaa isku waqti ka wada dhacaya heshiisyada ay kula joogaan kooxda ka dhisan London, waxaana labaduba lala xiriirinayay inay kooxda ka tagayaan.

Macallinka reer France ayaanan dooneyn inuu dhammaado heshiiska xiddiga reer Germany waxaana la arkaa inuu doorto inuu iibiyo laacibka ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin, Chelsea, Man City iyo Juventus ayaa dhammaan wada xiiseynaya kubbad abuurahan.

Waxaa sidoo kale la isku soo qaaday inuu dib ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Real Madrid kaddib laacibka oo kol sii horeysay sheegay inuu u furnaan karo inuu dib ugu laabto Santiago Bernabeu.