Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa qof shacab ahaa waxa uu ku toogtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qofka la toogtay ayaa la sheegaya in uu ka mid ahaa Wadayaasha Gadiidleyda dad weynaha ee degmada Balcad.
Dilka ayaa yimid ka dib markii taliye ku xigeenka ciidanka Nabad suggida Soomaaliya ee degmada Balcad iyo qof dumar ah uu soo gala dhex galay muran ku saabsan dhul.
Maamulka degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay Askarigii dilka geystay.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in xabada loo waday qofka dumarka ah , laakiin ay ku dhacday mid ka mid ah Wadayaasha Gaadiidleyda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.