Bayern Munich Ma Tahay Kooxdii Ugu Habooneyd Ee Ay Arsenal Ku Soo Aadi Laheyd Wareega 16ka Champions League?

0
226

Sannad ay isbedelo badan dhaceen islamarkaana ay hubanti la’aani jirto, waa wax fiican in la eego waxyaabaha sida joogta ah u dhaca. Cilimada adduunka waa ay isbedeleysaa, siyaasada adduunka waa ay isbedeshaa had iyo jeer si la mid dhaqaalaha laakiin hal mid ayaa la hubaa in Arsenal ay mar walba koox adag ku soo adeyso isku aadka Champions League.

Markii seddexaad ee muddo shan sanno gudahood ah Gunners waxa ay wareega 16ka isku soo aadeen kooxda Bayern Munich inkastoo ay kaalinta koowaad kaga soo baxeen group-koodii.

Inkastoo taageerayaasha kooxaha kale ay maad ka dhiganayaan sida joogtada ah ee ay Arsenal ugu soo aadeyso kooxaha ugu fiican tartanka, hadana waxaa la joogaa wareega 16ka Champions League, taasoo la micno ah inuu yahay wareeg adag.

Haddii Arsenal ay dooneyso inay ku guuleysato tartanka, waxa ay u baahan yihiin inay dhinaca dhulka u dhigaan bahalada ugu waa weyn ee ka hortaagan. Miyaa horumar loo arki lahaa haddii ay wareega 16ka ku soo aadi lahaayeen Porto islamarkaana ay wareega 8da ku soo reebi laheyd Bayern?

Inaad noqoto kooxda ugu fiican Yurub waxa ay u baahan tahay inaad garaacdo kooxaha kale ee waa weyn. Maxaa u diidaya inay ka bilaabaan Bayern?

10 kulan ayay ciyaareen Bayern Munich iyo Arsenal, shan kulan waxaa badisay kooxda Jarmalka halka seddex kulan ay badisay kooxda Ingariiska.

Gunners waxa ay sidoo kale wareega 16ka ku wajaheen Bayern Munich sannadigii 2013 iyo 2014, labada jeerna waa la reebay iyagoo sidoo kale isku arkay wareega group-yada xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Laakiin xaqiiqooyinkaas waxba ma soo kordhin doonto haddii ay Gunners xilli ciyaareedkan isku daydo inay ka gudubto wareega mixnada ku noqday.