Ciidamada Puntland oo kaabiga u saaran Qandala iyo maraakiib xalay duqeeyay

0
314

Ciidamada Puntland ayaa ku dhowaaday degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasoo dhamaadkii bishii October la wareegeen dagaalyahano taabacsan Ururka Daacish.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan oo ah mid badda iyo barriga ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada kala duwan ee Puntland, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jihooyin kala duwan ugu ruuqaansadeen deegaankaas.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo hoggaaminaya howl galkan ayaa sheegay in dagaal shalay dhex maray ciidanka Puntland iyo Daacish meel 50KM u jirta Qandal ay ku dileen illaa 7 dagaalyahan, halka saddex ka mid ah ciidankooda ku dhaawacmeen

Waxaa uu sheegay in ciidankooda ay ku sugan yihiin meel ku dhow Qandala, ayna saacadaha soo socda qorsheynayaan inay la wareegaan.

Ciidamada Puntland ayaa iska caabin kala kulmaya dagaalyahanada Daacish ee heysta Qandala, waxaana ay miinooyin ku aaseen wadada, taasoo adkeysay in dhaqse ay ku gaaraan deegaanka, iyadoo wadadu tahay mid raf ah

Dhinaca kale maraakiib dagaal oo taagan xeebta ayaa xalay duqeeyay deegaanka Qandala oo ay wali heystaan dagaalyahanada Daacish.

Degmada Qandala ayaa ah degmo istiraatiiji ah oo dhacda badda cas, waxaana deegaankan oo ku dhow dhulka buuraha, waxaana laga difaaci karaa buurta badda iyo barrigaba.