CL- Group G: FC Porto oo ku soo baxday kaalinta labaad ee guruubkan kaddib markii ay xaaqday Leicester City… + SAWIRRO

0
406

Kulammo ka tirsan guruubka G ee Champions League ayaa la ciyaaray, iyadoo kooxda kubadda cagta  FC Porto ay ku soo baxday kaalinta labaad ee guruubkan, markii ay goolal nus darsan ku dhow ku xaaqday Leicester City.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Leicester City ayaa looga badiyey 5-0, waxaana Porto ay shantaas gool ka kala heshay 6’daqiiqo Andre Silva, 26’daqiiqo Jesus Corona, 44’daqiiqo Yacine Brahimi, 64’daqiiqo Andre Silva iyo 77’daqiiqo Diogo Jota.

Guushaan 5-0 ayaa uga dhigay FC Porto inay ku soo baxday kaalinta labaad ee guruubkan iyadoo leh 11-dhibcood, halka Leicester City ay mar hore xaqiiqsatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruubkan.

Dhinaca kale kooxda FC Koebenhavn ayaa 2-0 uga adkaatay Club Brugge, waxaana ay ku dhammaysatay kaalinta saddexaad ee guruubkan, iyadoo labada gool ka kala heshay mid uu 8’daqiiqo iska dhaliyey Brandon Mechele iyo 15’daqiiqo Mathias Joergensen.

 g

SAWIRRO:

czgddrhxuaer345

czgddrpxuaajl9_

czgddrswqaab_me

czggxwmwgaa8kdk

czgkp5jxgaaimvz

czgna37xuaaoofe

czgr8slxuaegdzm

czgr8swxgaappeu

czgr89ixuaysklv