C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in asaga iyo Ergadiisa loo diiday Doorashada ka socota Cadaado

0
280

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa  sheegay in Asaga iyo Ergadiida loo diiday in ay galaan Doorashada ka socota Magaalada Cadaado.

C/qaadir Cali Cumar ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo islamarkaana uusan dooneyn in C/qaadir Cali Cumar uu ku soo baxo Aqalka Hoose sida uu yiri.

“Muddo 30 maalmood ayay wadeen sidii ay u bedeli lahaayeen ergooyinkii saxda ahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale oo been abuur ah, hadii meesha wax doorasho ah  oolin oo ku shubasho ay jirto, waa in aan Bulshada Been loosheegin “ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay inuu jiro go’aan Madaxtooyada ka soo baxay oo ay fulineyso Galmudug, kaasoo ah in aan isaga ku soo bixin kursiga Xildhibaannimo, sidaas darteed uu yahay qorshe aniga  la iiga  hor-joogsanayo, maadaama aan taageero ka heysto dadka deegaanka”ayuu ku sii daray Hadal kiisa.