{DAAWO SAWIRADA} Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Diyaarad Kusoo Dhacday Bariire

0
246

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa soo bandhigay Diyaarad yar oo nuuca aan duuliyaha laheyn, taa oo shalay kusoo dhacday Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaarad oo ah nuuca wax basaasa ayaa waxaa gacanta u gashay dagalayahano katirsan Al Shabaab , waxaana Diyaarada ku xirnaa qalab wax lagu basaaso sida Kaamirooyin.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa diyaarada geeyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo loogu soo bandhigay Warbaahinta.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale marar badan gacantooda waxaa soo gashay diyaaradaha Drones-ka loo yaqaan ee wax lagu basaao, waxaana diyaaradan la tuhmayaa in ay leedahay Dowlada Mareyklanka.