{DAAWO SAWIRADA} Anis Amri oo Lacag badan lagu Doon Doonayo iyo Ninkaan oo Magacyo badan ku Qaraaban jira

0
198

Anis Amri waa 24 jir u dhashay dalka Tuniisiya waxaana iminka Lacag aad u fara badan ku doon doonaya Booliiska dalka Germany ka dib markii ay ku cadaatay in uu ahaa shaqsigii fuliyay weerarkii ka dhacay magaalada Berlin .

Anis Amri oo wali baxsad ah wuxuu gaari ween jiirsiiyay Suuq laga adeegto oo ku yaalay magaalada Berlin kaas oo galaftay nolasha 12-qofood halka uu ka dhaawacay 49-Qofood . Anis Amri oo magacyo kala duwan ku qaraaban jiray wuxuu dalka Germany ku sugnaa mudo hal sano ah kaas oo 4 sano lagu soo xiray gudaha dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Milaano ka dib markii uu gubay Iskuul halkaas ku yaalay .

Ninkaan oo diidmada Qaxootinimada (Negativ) laga siiyay dalka Germany ayaa waxaa la doonayay in dib loogu celiyo wadanka Tunisia balse waxaa arinkaan dhoor bil ka hor ka hor yimid booliiska dalka Tunisia kuwaas oo Jarmalka ka codsaday inay keenaan Cadeymo muujinaya Anis Amri in uu yahay Tuniisiyaan .

Anis Amri oo sidoo kale sheegtay markiisii hore Masri ayaa gaariga Xamuulka ah waxa uu ka soo afduubay nin u dhashay dalka Poland kaas oo uu ugu dambeyntii qaarajiyay . Booliiska dalka Germany ayaa iminka balan qaaday Aduun gaaraya 100.000 oo Euro in la siin doona qofkii soo sheega halka uu ku dhuumaaleysanayo Anis Amri .