{DAAWO SAWIRADA} Doorashada Aqalka Hoose Oo Ka Socoto Magaalada Muqdisho

0
265

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka booliiska ee Degmada Cabdi Casiis.

Kursiga labaad ee Beelaha Banaadiriga oo goordhaw la doortay ayaa waxaa ku tartamayay Labo Musharax oo kala ahaa Fahmo Axmed Nuur iyo Tuuma Cusmaan Nuur , labadan Haween ayaana kasoo jeeda Jufada Bandhawoow ee Beelaha Banaadiriga.

Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa shaaciyay in Kursigan ay ku guuleesatay Fahmo Axmed Nuur oo heshay codad gaaraya 51 cod halka Musharaxa kale Tuuma aysan helin wax cod ah, waxaana xusid mudan in Labadan Haween ee tartamayay ay yihiin Ilmo adeer.

Xildhibaanad Fahmo Axmed Nuur ayaa sanado badan kasoo mid aheyd Baarlamaanadii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxa ay sidoo kale Xilal isugu jira Wasiiro Dowle iyo Wasiir kuxigeen kasoo noqotay Xiukuumadihi kala duwanaa ee dalka soo maray.