{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Kenya oo lagu wareejiyay Diyaaradao ay kula dagaalameyso Al Shabaab

0
276

Dowlada Dowlada Mareykanka ayaa ku wareejisay dowlada Kenya sadex diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca, diyaaradahan ayaana dowlada Kenya u qorsheesay in ay kula dagaalanto kooxda Al Shabaab.

Safiirka u fadhiya dalka Mareykanka magaalada Nariobi ayaa ku wareejiyay Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya Raychelle Omamo sadex diyaaradood oo nuuca Qumataiga u kaca ah, diyaaradahan ayaana ah kuwa casri ah oo wax badan u taraya milatariga Kenya.

Sadexda Diyaarad ee lagu wareejiyay Dowlada Kenya ayaa lagu qiimeeyay lacag gaareysa 106 Milyan oo Dollar taasoo u dhiganta 11 billion oo lacagta Kenya ah, waxaana diyaaradahan qeyb ka aheyd balan qaaday uu horey u sameeyay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Brack Obama.

Dowlada Kenya ayaa dagaal kula jirta dagaalyahanada Al Shabaab oo weeraro ka geesata gudaha dalka Kenya, waxa ayna horey u codsaday dowlada Kenya in laga caawiyo la dagaalanka Al Shabaab lana siiyo diyaarado iyo hub casri ah ay kula dagaalanto.