{DAAWO SAWIRADA} Guddiga Olombikada Gobolka Hiiraan Oo guddoonsiiyay Qalab Isboorti Dhalinyarada Sportska Degmada Maxaas.

0
361

Xaflad qalabkaas lagu guddoonsiinayay  qalabkan sports ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha gudiga olombikada gobolka cabdi kariin cabdulle qalaad yaani yaani  Iyo masuuliyiinkale  oo ka mida gudiga olombikada gobolka.

munaasabada  qalabka lagu guddoonsiinayay Guddiga dhalinyarada Sportska degmada maxaas  waxaa ka hadlay Guddoomiyaha olombikada gobolka cabdi kariin cabdulle qalaad yaani yaani  oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu gudoonsiiyo qalabkan ciyaaraha oo uu sheegay in ay baahi weyn u qabeen dhalinyarada waxana uu sheegay in ka aanu noqon doonin kii ugu horeeyay oo ay mar walbo garab taagan yihiin dhalinyrada gobolka hiiraan.

Sidoo kale waxaa ka mahad celiyay qalabkan ciyaaraha ah dhalinyaradii lagaarsiiay ee dagmada maxaas waxana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay helaan qalab ciyaaro oo isugu jiro kubado  iyo dharka lagu ciyaaro waxana ay sheegeen in ay aad ugu mahadcelinayaan maamulka olombikada gobolka hiiraan oo soo gaarsiiyay agabkan.

gudiga olombikada gobolka ayaa wado dadaalo lagu hor marinayo sportska gobolka hiiraan.

 

 

 

 

qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-2 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-3 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-4 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-5 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-6 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-8 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-9 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-10 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-11 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-12 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-13 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-15 qalab-ciyaaro-oo-la-siyay-16
Maxamed Cismaan Makaran
Radio Hiranweyn Dagmada Maxaas