{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Dawladda Islaamka oo laga laayay 50,000 oo askari

0
299

Ugu yaraan 50,000 oo ka mid ah malayshiyo ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa la dilay tan iyo markii xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ay weerarada ka billaabeen Ciraaq iyo Suuriya labo sano ka hor, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

Tiradaas ayaa muujinaysa in duqaymaha xagga cirka ah iyo tiro yar oo ka mid ah ciidammada Maraykanka oo caawinaya xoogagga deegaanka in ay saamayn yeelatay, sida uu salkaasku sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa si joogta ah ugu diga in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay ciidammadaas laga laayay si dhakhso ah booskooda u buuxin karaan.

Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo waxay sheegeen in laga yaabo in la sii kordhiyo weerarrada xagga cirka ah sida kuwa magaalada Mawsil oo ciidammada Ciraaq ay dagaal ka wadaan si ay dib ugu qabsadaan, balse taasi waa in laga taxadaro si aan halis loo galinin shacabka.

Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in hawlgalku uu billaabay in uu waxyeello gaarsiiyo kooxda isku magacawada Dawladda Islaamka.

Maraykanka ayaa markii hore ka gaabsanayay in uu sheego khasaaraha uu gaarsiiyay cadawgiisa.

Laakiin bishii siddeedaad Generaal Sean MacFarland ayaa sheegay in ay dileen 45,000 oo cadawgooda ah, sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AP.

da2

daacish

daacish1