{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga hadlayay Sababta Ka Dambeysa Dagaalada Baledweyne Kusoo Noqnoqday Oo Manta Laqabtay

0
285

cilmi baaris muddo socotay oo ku saabsaneyd dagaalaka ku soo noqnoqday Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne iyo agagaarka magaalada, haddaba xafiiska Hay’adda Cilmibaarista iyo Wadatashiga CRD ee gobollada dhexe gaar ahaan xarunta Beledweyne oo in muddo ah daraasad ku saabsan waxa uu dagaalakani salka ku hayo iyo sida xal kama dambeys ah looga gaari karo ka waday magaalada Beledweyne, kulamo gooni gooni ah la qaadatay dadka deegaanka ee ay arrintani quseyso ayaa maanta soo qabanqaabiyay kulan ballaran oo la xariira daraasadaas, kulankan oo ay ka soo qeyb galeen maamulka gobolka, kan degmada, mas’uuliyiinta amniga qaarkood, qeybo kamid ah Ururada Dhallinyarada, Haweenka, Ganacsatada, Saxaafadda iyo NGO qaarkood ayaa diiradda lagu saarayay howlaha ilaa hadda laqabtay iyo sidii loo dhameystiri lahaa waxa harsan si loo gaaro heshiis dhab ah oo kama dambeys ah.

 

Kullanka maanta oo loogu magac daray Xaqiiqo raadin “Fact Finding” ayaa waxaa ujeedada kulanka ka warbixiyay Madaxa CRD gobollada dhexe Xasan Xuuriye, isagoo sheegay heerarkii ay arrintaan u soo mareen iyo in maanta ay tahay fursad kale oo bulshada qeybaheeda kala duwan ay talada wax ku yeelaneyso, ugu dambeyntii kulanka waxaa furay guddoomiya Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo u mahad celiyay Hay’adda CRD iyo dadaalka ay wado, kuna booriyay dadkii kasoo qeyb galay kulanka inay talada ugu fiican wadaagaan, sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay duqa degmada B/weyne Cumar Aadan (Deeqoow), Taliyaha qeybta Boliiska gobolka hiiraan Col. Isaaq Cali C/lle, afhayeenka guddiga Amniga Gobolka ee Hirshabeelle Axmed Cabdi Weheliye (waaweyne), Guddoomiya guddiga dhexdhexaadinta labada beelood Max’ed Cabdi Raaxooy (Gacameey), Madaxa Hay’adda Relief International Raaxeeye, Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Gobolka Hiiraan Jamaal Cali Yare & Ururada Haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka qaarkood.

 

Gebagebadii kulanka ayaa leysla gartay qodobo dhowr ah oo aasaas u noqon kara in xal waara loo helo, waana sida hoos ku cad:-

 

1- In kulanka nabadeynta laga qeyb geliyo Duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta,
Ganacsatada, Haweenka, Culumaa’udiinka labada beelood.

2- In la helo daacadnimo dhab ah iyo isku tanaasul.

3- In wixii lagu heshiiyo loo helo awood fulineed oo ilaalisa.

4- In Saxaafaddu qeyb ka qaadato xagga wacyi gelinta magaalada iyo miyiga meelaha
lagu dagaalamayba.

5- In maleeshiyaadka dagaalamaya hubka dhigis lagu sameeyo, loona abuuro shaqooyin.

 

SONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSCSONY DSC