{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay danjire Fadil Cali Al-Hinkh

0
247

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowlada Yemen u fadhin doona Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Yemen, waxay iska wareysteen xiriirka labada dal, iyadoo safiirka uu madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda dalka Yemen oo muddooyinkii dambe ay dagaallo ka socdeen.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray inta uu socdey sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Yemen.

Safiirka cusub ee dalka Yemen Fadil Cali Al-Hinkh, ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee madaxweynaha Soomaaliya uu u soo dhoweeyey, isla markaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Danjiraha Yemen ayaa shacabka iyo dowlada Soomaaliya uga mahad celiyey taageerada walaalnimo iyo sida dadka Reer Yemen loogu soo dhoweeeyey Soomaaliya markii ay dalkaasi dagaallada ka qarxeen.