{DAAWO SAWIRADA} Mid kamid ah Wadamada Caalamka oo Lacag la’aan baahsan soo wajahday

0
240

Dadka kunool Wadanka Venezuela waxaa lasoo daristay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana wadankaasi xiliga ka jirta lacag la’aan baahsan.

Xaalada dhaqaale ee dalka Venezuela ayaa noqotay maalmihii lasoo dhaafay mid aad u xun, waxaana aad u yaraaday lacagtii wadankaasi laga isticmaali jiray iyadoona dadka ay soo wajahday lacag la’aan.

Bangiyada dalka Venezuela ayaa horey looga waayay lacagta dalkaasi, waxa ay hadana lacagaha ka dhamaadeen jeebabka dadka u dhashay dalkaasi, waxaana bilowday banaan baxyo arintaasi looga soo horjeedo.

Dowlada Venezuela ayaa horey u shaacisay in lacag cusub si deg deg ah loo sameenayo , hasa ahaatee Madaxweynaha dalkaasi Nicolas Madura ayaa si lama filaan ah shalay ugu dhawaaqdey in qorshihii lacagta cusub lagu sameenayay dib loo dhigay.

Wadooyinka waa weyn ee dalka Venezuela ayaa waxaa isugu soo baxay dad ka cabanaya lacag la’aanta baahsan ee soo wajahday dadkaasi, waxa ayna dadkan qaarkood ay boobeen dukaaman iyo bakhaaro ganacsi.

Dowlada Venezuela ayaa wada qorshe lagu badalayo lacagta 100 bolivar waxaana la qorsheenayaa in lacagtaasi loo badalo 500 bolivar, hasa ahaatee lacagtan cusub ayana wali la sameyn dalkana lasoo galin.

Dalka Venezueaal ayaa noqday mid dhaqaalihiisa uu dhulka galay tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu talada dalkaasi la wareegay Madaxweyne Nicolas Madura, waxaana dalkaasi soo wajahday dadka kunool xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.