{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii caawa loo dilay safiirkii Ruushka u fadhiyey dalka Turkiga

0
445

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qaabkii loo dilay Safiirkii dowladda Ruushka ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa caawa nin hubaysan uu toogasho ku dilay, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay ee magaalo madaxda Turkiga.

Safiirka ayaa jeedinayay khudbad markii ay xabadu ku dhacaysay.

Ninka hubaysan ayaa gadaal ka toogtay safiirka isagoo dhowr xabadood laabta kaga dhuftay, wuxuuna ku dhawaaqayey ereyo ay ku jiraan magaalada Xalab ee dalka Siiriya, Booliiska ayaana markii dambe ninkaas dilay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka oo yimid maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Siiriya.

Safiirka ayaa booqanayay markii la tooganayey madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay Ruushka sida ay u arkaan Turkiga.