{DAAWO SAWIRADA} Qarax Bambaano oo lagu dilay Xildhibaan iyo Wiil uu dhalay oo ka dhacay magaalada

0
218

Weerar loo adeegsaday bambaano wadada dhinaceda lagu aasay ayaa lagu weeraray Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalka Afgaanistan, xili uu marayay Wado kutaala magaalada Kaabuul.

Qaraxa bambaano ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari uu saarnaa Xildhibaan lagu magacaabo Fakuri Beheshti oo katirsanaa Baarlamaanka Afgaanistan, waxaana xildhibaankan laga soo doortay gobolka Bamyan.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Afgaanistan ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay Xildhibaan Fakuri Beheshti iyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhintay sadex qof oo kale oo la socotay Xildhibaanka.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan maanta lagu dilay Xildhibana katirsan Baarlamanaka Afganaistan, waxaana maalmo kahor sidan oo kale qarax kale oo dad badan ku dhinteen lagu weeraray Xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Afgaanistan.