{DAAWO SAWIRADA} Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Sweden iyo Scandinavian-ka oo si weyn loogu soo dhaweeyay Stockholm

0
454

Safiirka cusub ee ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday guud ahaan dalalka Scandinavian-ka, gaar ahaan dalka Sweden, Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa soo dhaweyn diirran ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden.

Xaflad si heer sare ah  loo soo agaasimay oo ay kasoo xaadireen bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana uu soo agaasimay Ururka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden, ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm, waxaana ujeedka xafladda loo qabtay ay ahayd in safiirka lasoo dhaweeyo, uuna arko, isla markaana dhegeysto dadkiisa.

Marka laga soo tago marti sharaftii kulanka kasoo xaadirtay waxaa safiirka kusoo biiray Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka Danjire Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Cadde Duqoow), kaasi oo qudhiisa dhawaan laga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo.

Dadkii madasha ka hadlay waxay dhammaantood muujiyeen sida loo baahnaa in dib loo furo safaaraddii dowladda Soomaaliya ee dalka Sweden, waxayna tani kusoo beegantay iyadoo muddo 27 sano ah aysan Soomaalida ku lahayn safaarad dalka Sweden.

Guddoomiyaha Ururka Isheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden  Habbane C/qaadir Xasan  ayaa hadalkii soo dhaweynta qaatay ayaa wuxuu ugu horreyn u mahadceliyay kasoo qeybgalayaashii xalfadda, kaddibna wuxuu soo dhaweeyay Safiirka, isagoo caddeeyay in Safiirka ay dowladda Soomaaliya u soo magacawday Sweden uu yahay mid ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu baahnaayeen.

Danjiraha Soomaaliya ee Ruushka Danjire Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Cadde Duqoow) ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden oo ah kuwo firfircoon oo garanaya waxa diblumaasiyad iyo adeeg safaaradeed uu yahay ay dadaal dheeraad ah muujiyaan, ayna safaaraddooda ilaashadaan. Wuxuu ku tilmaamay Soomaalida Sweden kuwo xog-ogaal u ah maamulka safaaradaha iyo waxyaabaha loo baahan yahay, sidaas darteed ayuu ka codsaday Soomaalida in wax kasta oo ballanqaadyo ah oo ay bixiyeen ay noqdaan kuwo aan afka ku ekaan ee ay noqdaan kuwo ficil lagu daro.

Danjiraha Soomaaliya ee Sweden Danjire Cawaale Cali Kullane oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn wuxuu marti sharafta u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, kuwaasi oo uu sheegay in ay maqleen codsiga Soomaalida ku nool Scandinavian-ka, gaar ahaan dalka Sweden, wuxuuna intaas ku daray in safiirnimadiisa ay ka tarjumeyso ka jawaabidda baahida ay dadka Soomaaliyeed qabaan.

”Howsha laga rabo safiir iyo safaarad waa mid qaran oo aad qeyb ka tihiin, sidaas darteed waxaa la idinka rabaa in aad howshaas qeyb ka noqotaan oo aad noqotaan dad dalkooda dib u dhiskiisa ka qeybqaata, dalka ay ku nool yihiin-na wax ka ah”ayuu yiri Danjire Cawaale oo uga mahadceliyay Soomaalida Sweden muddada dheer ee ay kaligood soo hayeen howshii safaaradeed, wuxuuna ka rajeeyay in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda.

Danjire Cawaale oo horay Soomaaliya ugu metelayay Qaramada Midoobay ayaa hadda wuxuu Soomaaliya safiir uga noqon doonaa dalalka Scandinavian-ka ee dhaca Waqooyiga Yurub, si gaar ahna wuxuu ugu howlgeli doonaa dalka Sweden. Danjiraha ayaa dhawaan warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbin doona Boqorka dalka Sweden Boqor Carl XVI Gustaf.

soodhaweyn-sweden-1 soodhaweyn-sweden-2 soodhaweyn-sweden-3 soodhaweyn-sweden-4 soodhaweyn-sweden-5