{DAAWO SAWIRADA} Shinso Abe oo Markii ugu Horeeyay Booqday jasiirada Hawai Taariikhdana ku galay

0
233

Ra’isul Wasaaraha dalka Japan Shinso Abe ayaa markii ugu horeesay booqday Jaziirada Hawai ee dalka Maraykanka, waxa uuna noqday Hogaamiyihii ugu horeeyay ee u dhashay dalka Japan oo booqda Jaziiradaasi.

Ciidamada Japan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday 75-sano kahor saldhigyadii ciidamada Bada Maraykanka ee Pearl Harbor ee jasiirada Hawai, weerarkan ayaana dhacay xiligii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.

Weerarkan ayaa noqday duulaankii ugu cuslaa ee lagu qaaday dalka Mareykanka, waxaana Weerarkan ka dhashay in Dowlada Mareykanka in hubka Nukliyeerka ku dhufato Magaalooyin kuyaala dalka Japan halkaas oo dad badan lagu laayay.

Booqashada uu Shinso Abe ku tagay Jaziirada Hawai ayaa daba socota socdaal uu sanadkan isna ku tagay Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama magaaladfa Hiroshima ee dalka Japan, waxa uuna noqday Obama Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo booqda magaaladaasi.

Ra’isul Wasaaraha dalka Japan ayaa ubaxyo dhigay sidoo kale booqday saldhigydaii ay weerareen ciidamada Japan, waxa uuna Raali galin ka bixiyay Ra’isul Wasaaraha weerarkaasi oo dhacay 75-sano kahor.