{DAAWO SAWIRADA} Maalinta Xuquuqul Insaanka Oo Maanta Baladweyne Laga Xusay.

0
299

10 ka December waa maalinta loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha waxaana munaasabad lagu xusayay munaasabadaasi lagu qabtay manta magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Munaasabada lagu xusayay maalinta xuquuqda aadanaha waxaa soo qaban qaabiyay ururka haweenka gobolka hiiraan.

Waxaa xaflada qeybaha kala duwan ee bulshada baladweyne ururada bulshada rayidka maamulka  gobolka hiiraan xubno kasocday booliska gobolka iyo marti sharaf kale.

Ugu horey waxaa ka hadlay munaasbada masuuliyiin ka tirsan ururka haweenka oo munaasabadaan soo agaasimay.

Waxana dhamaantood sheegeen in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka oo aan lagu xad gudbin

Sidookale waxaa goobta ka hadlay qeybihii kala duwanaa ee bulshadii kasoo qeyb gashay xafladan lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuda aadanaha aduunka iyagoona sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay ka qeyb galaan maalintan oo kale munaasabad lagu xusayo sheegayne in ay ilaalin doonaan xuquuqda dadka ay ku dhax noolyihiin.

Ugu danbeyn waxaa munaasabada soo xiray gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka hiiraan axmed cabdalla inji

10ka December  1948dii ayaa qaramada midoobey u aqoonsatay maalinta xuquuqda aadanaha aduunka

 

munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-1munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-2munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-3munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-4munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-5munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-6munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-7munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-8munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-9munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-10munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-11munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-12munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-13munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-14munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-15munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-16munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-17munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-18munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-19munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-20munaasabada-maalinta-xuquuqul-insaanka-21