Faah Faahin Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxeeya Qasaarahii Ka Dhashay Weerarkii Kooxo Hubeeysan Ay Ku Qaaday Gudoomiyahii Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow.
Inta La Xaqiijiyey Hal Askari Ayaa ku dhintay weerarka Sadax kale wey ku dhawaacmeen ee uu ku jiro gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi waxaan dhaawaca Gudoomiyaha Goordhow Lasoo Gaarsiiyey Isbitaal Ay Maamulaan Ciidanka AMISOM Ee Yaalo Degmada Jalalaqsi Si Halka Xaaladiisa Caafimaad Lagu Dabiibo.
Taliyaha Cidanka militiga Degmada faarax aadan gaafow oo la hadlay Radio Hiiraan Ayaa Xaqiijiyey Dhawaca Gudoomiyaha Degmada Waxa Uuna Tilmaamay in dhaawaca gudoomiyaha uu yahay mid Fudud.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeeyso Magaalooyinka Jowhar Iyo Degmada Jalalaqsi Waxaana Saakay Gudoomiyaha Dhawacmay Uu Kasoo Baxay magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe.
WAXII WARAR AH GOORDHOW KALA SOCO HIIRAANWEYN.
Comments are closed.