DHAGEEYSO K/Galbeed Oo Bilaabeysa Howlgal Ka Dhan Ah Al-shabaab

0
224

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Ku simaha  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shabaab ay dhibaato badan ay ku hayaan dadka shacabka ee kunool degaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay qaadi doonaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab,

Shacabka kunool gobolada Baay, Bakool iyo sidoo kale shabeelaha Hoose ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.