{DHAGEYSO} Ammaanka Magaalada Muqdisho oo la adkeeyay Iyo Shacabka Oo Bilaabay In Ay ,,,

0
410

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan diyaar garowga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Ciidamo booliis ah oo fara badan ayaa lagu arkaya Isgosyada Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Muhiimka ah ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo joogta ah Xilliyada Habeenka ah ka sameynaya Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska qeybta Gobolka Banaadir Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa ka warbixiyay sida ay Ciidanka Booliiska u sugayaan amaanka Muqdisho.