DHAGEYSO:-Cabdullahi Goodax Barre Oo Ugu Mahad Celiyay Ergadii Dooratay.

6
347

C/laahi Goodax Barre ayaa ku soo baxay Doorashada ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe oo labo wareeg lagu kala baxay.

Musharaxiin gaareysa Afar Musharax ayaa u tartamaayay Xilkaan, hayeeshe wareegii koowaad ayaa waxaa haray labo Musharax.

Wareegi labaad ee Doorashada ayaa waxaa isku soo haray Bile Iidle Sabriye iyo C/laahi Goodax Barre.

Guddiga Doorashada oo tiriyay codadka Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Kursiga Aqalka hoose uu ku guuleystay C/laahi Goodax Barre.

C/laahi Goodax Barre, ayaa ku soo baxay codad gaaraya 34 cod, sida Guddiga ku dhawaaqeeen, waxaana uu ka hadlay dareenkiisa.

Comments are closed.