Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-Waaq aysan mushaar qaadan muddo dhan 4 Sano.
Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ibraahim Guuleed Aadan ayaa sheegay in ciidanka dowladda ee ku sugan Ceelwaaq ay haystaan dhibaatooyin kala duwan .
Maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan bixin mushaarkii ciidanka dowladda ee ku sugan Ceel-Waaq.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA
Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay bixiso mushaarka ciidanka dowladda Soomaaliya madaam ay dagaal culus ay kula jiraan Al-Shabaab.