{DHAGEYSO} Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu baaqay in la da dejiyo

0
253

Qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Degaanada Somaliland ayaa codsaday in la soo da dejiyo Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland.

Xildhibaanadan oo kulan yeeshay ayaa sheegay muhiim in ay tahay in si deg deg ah lagu soo dhameystiro Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ka harsan ee ka imaanaya Degaanada Somaliland, sidoo kalena la bilaabo Doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale xildhibaanadan ayaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo xildhibaanada cusub ee Somaliland ugu baaqay in la soo da dejiyo Doorashada xubnaha ka harsan dhanka Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa horey waxa ay u sheegeen in ay yihiin Hay’adda go’aanka ugu dambeeya ka gaareysa xilliga ay bilaabaneyso Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.