{DHAGEYSO} FAAH FAAHINO Dheraad Ah Oo Ka sobaxaayo Dilal Xalay Ka dhacay Magalada Muqdisho

0
246

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Faahfaahin ka bixiyay dil xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Askari iyo qof shacab ah.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan ay Muqdisho ay ku dileen labo qof oo mid ka ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale kooxaha hubeysan ee dilka geystay ayaa markii ay dileen Askariga iyo sidoo kale qofka shacabka ah waxa ay horay uga qaateen qorigii uu watay.

Afhayeenka maamulka Banaadir ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaano lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay dilka xalay ka dhacay degmada Wadajir.

HALKAN KA DHAGEYSO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY