{DHAGEYSO} Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ,Hadii Horumar La Rabo HaLa Doorto Xasan Shiikh

0
270

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Bare Maxamed ayaa cadeeyay rabitaankiisa ku aadan cida uu la rabo xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Sheekh Cusmaan Bare Maxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo la hadlayay xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay in ay doortaan Madaxweynaha hada xilka haya ee waqtigiisa uu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiye Sheekh Cusmaan ayaa leexsaday fikirka iyo codeynta xildhibaanada Labada Aqalka ee Hirshabeelle, isagoo ku booriyay in ay doortaan Xasan Sheekh Maxamuud, hadii ay doonayaan isbedel muuqda.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA

Hadalkan ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Bare Maxamed waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday, taas oo shahaadada xildhibaanimo lagu gudoonsiinayay Mudanayaasha lagu soo doortay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.