{DHAGEYSO} Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Ka Hadlay Tirada Dhimashada Iyo Dhawaca Ka dhashay Qaraxii Saake

0
225

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in ay socdaan gurmadka loo sameenayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay, waxa uuna sheegay in dib laga soo sheegi doono qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Ciidamada amaanka gaar ahana kuwa Nabad Sugida iyo booliiska ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano iyo sidoo kale gurmad ay u sameenayaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Qaraxan xoogan ee maanta ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeeshay howlihii shaqo ee ka socday gudahha dekadda, waxaana xiran wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa Dekadda.