{DHAGEYSO} Khasaarihii ka dhashay shilka ka dhacay wadada Buundooyinka Ee Magaalada Muqdisho

0
288

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil Gaari oo geystay khasaare kala duwan, kaas oo ka dhacay wadada Buundooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaari cara-gedis ah oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay Gaari Karoolo ah iyo Mooto-bajaaj xilligaasi wadada marayay, sida ay sheegeen Dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku geeryootey Haweeney cuuryaan ah, oo wadada hareeraheeda ku Ganacsaneysay iyo 2 Qof oo kale oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii Mooto-bajaajka.

Goobjooge ku sugnaa goobta marka uu dhacayay shilkan  ayaa waxa uu sheegay shilkan in uu ahaa mid naxdin leh, sidoo kalena khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu geystay.

Ciidanka ammaanka iyo Maamulka Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu shilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Haweeneyda Meydka ah iyo dhaawacyada.