DHAGEYSO Maamulka Gobolka Banaadir Oo ka Codsaday Xildhibaanada Cusub Kadib..

0
229

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xalay Kulan la qaatay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir Banaadir, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii ay isku baran lahaayeen Xildhibaanada Haweenka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ku jira iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xildhibaanada Haweenka kula dardaarmay iney si Cadaalad ah ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday iney Maamulka Gobolka kala shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xuquuqdda Siyaasiga ee ka maqan Shacabka Gobolka Banaadir.