DHAGEYSO: Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay Howlgalada ka socda Degaanadeeda

0
206

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ka warbixiyay Howlgalada ka socda Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Maxamed Xasan Fiqi oo ah ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed  ayaa sheegay guud ahaan Degaanada Koonfur Galbeed in ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay Howlgaladan sidoo kale in Degaanada Koonfur Galbeed looga saarayo Dagaalyahanada Shabaab, loogana hortagayo weerarada mararka qaar ay geystaan.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxa uu sheegay Howlgaladan in ay iska kaashanayaan Ciidanka Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyntii Maxamed Xasan Fiqi oo ah ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay Howlgaladan ka dhanka ah Shabaab in dhowaan ay soo gaba gabeyn doonaan.