{DHAGEYSO} Maamulka Puntland oo War Ka soosaaray Dagaal ka dhacay Mudug

0
261

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal dhexmaray Ciidanka Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Dalka Itoobiya iyo Ciidamada Puntland, kaasi oo ka dhacay Degaanka Dudun oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Liyuu Boolis ay dejiyeen calanka Soomaaliya, islamarkaana ay sureen calanka Ismaamulka Soomaalida Dalka Itoobiya, taasi oo keentay in ay ku baxaan Ciidamo ka tirsan Puntland.

Dagaalkan dhexmaray Labada dhinac ayaa waxa uu dhexmaray ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Ciidanka Booliska Bur-saalax ee Maamulka Puntland, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug C/risaaq Axmed Toox-yare.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo goobihii Ciidamadu ay ku dagaalameen ayaa waxa ay sheegayaan saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland in ay halkaasi ku baxeen.