DHAGEYSO: Shir Abaaraha looga hadlayay oo Muqdisho lagu soo xiray

0
266

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku soo xiray Shir looga hadlayay u adkeysiga Aafooyinka sida abaaraha soo noq noqda ee Dalka ka jira iyo Fatahaadaha Wabiyada.

Shirka oo 3-dii Maalmood ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka dhacaayay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday Maamul Goboleedyda Dalka marka laga reebo Puntland, sidoo kale Xubno ka socday Wasaarada Dowladda Federaalka qaarkood.

Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Waxaa furitaanka Shirkan Warbixino looga dhageystay Hay’addaha caawiya Soomaaliya qaarkood oo wax laga weydiiyay wax ay ka qabteen abaaraha ka jira Dalka iyo Fatahaadaha.

C/qafaar oo ka mid ahaa Xubnihii Shirka ka qeyb galay ayaa aqriyay qodobadii ka soo baxay Shirka iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte oo si rasmi ah Shirka u soo xiray ayaa sheegay in Madaxda Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira Dalka looga baahan yahay in ay meel uga soo wadajeestaan wax ka qabashada abaaraha ka jira Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in hormarka Dalka iyo ka hortaga abaaraha si wadajir ah looga wada shaqeeyo.