{DHAGEYSO} SOMA oo ka hadashay sii deynta Radio Galgaduud

0
254

Maamulka Ahlu-sunna ayaa mudo kadib fasaxay Radio Galgaduud, oo waqti badan hawada ka maqneyd, waxaana shaqadeeda ay si rasmi ah u bilowday xalay, sida ay Hiranweyn u sheegeen Maamulka Idaacadaasi.

Ahlu-sunna ma aysan sheegin sababta intan oo dhan ay u xayireen Radio Galgaduud, sidoo kalena ay u qaateen qalabkii ay Idaacadda ku shaqeyneysay.

Radio Galgaduud ayaa ka mid ah Idaacadaha xubnita ka ah Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA), waxaana arintan soo dhaweysay SOMA.

Xoghayaha Guud ee (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la hadlay Idaacadda Hiranweyn ayaa sheegay hadii ay yihiin ururka (SOMA) in ay soo dhaweynayaan sii deynta Radio Galgaduud oo mudo badan u xirneyd Maamulka Ahlu-sunna.

Waxa uu sheegay inta Idaacadda ay hawada ka maqneyd in ay wadeen dadaalo lagu sii deynayo Radio Galgaduud, waxaana uu sheegay in ay aad uga xun yihiin intan oo dhan in ay iska xirnaato xarun aan sharci loo soo marin.

Ugu dambeyntii Ismaaciil Sheekh Khaliifa Xoghayaha Guud ee (SOMA) ayaa sheegay wada xaajoodka inta lagu guda jiray in ay jireen shuruudo ay soo rogeen Ahlu-sunna taas oo ku aadan in aysan ka hadli karin wararka ku saabsan Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, balse arrintaasi ay ka diideen.

HALKAN KA DHAGEYSO Xoghayaha Guud ee (SOMA}

15-kii November ee sanadkan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna ay hawada ka saareen Radio Galgaduud, sidoo kalena ay qaateen qalabkii yaallay xaruntaasi.

soma-logo