Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Mowqifka maamulka Somaliland ee ah gooni isku taaga in aysan dhici doonin in ay marnaba ka tanaasulaan.
Wasiirka waxaa uu sheegay in wahadalada u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Khaatuma in ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhex jira maamulka Somaliland.
Wasiir Sacad ayaa ku tilmaamay maamulka Khaatuma in ay ka mid yihiin dhulka hoos yimaada Somaliland.