Dimitar Berbatov Oo Kusoo Laabtay Manchester United Xilli Xidiga Reer Bulgaria Uu La Kulmay Wayne Rooney

0
244

Weeraryahankii h–e Manchester United Dimitar Berbatov ayaa kusoo laabtay kooxdisii h–e xilli la hadal hayo inuu mar kale kasoo muuqan doono horyaalka Ingiriiska madama uu soo dhamaaday heshiiskii uu kula joogay kooxda reer Greece ee PAOK.

Tababare Jose Mourinho ayaa xidiga reer Bulgaria u ogolaaday inuu la tababarto kooxda inteeda kale tan iyo inta uu ka helaayo kooxdiisa xigta waxaana Red Devils ay u qadarisay sida halyeeyada madama uu afar sano oo qaali ah kusoo qaatay garoonka Old Trafford.

Berbatov ayaa soo galiyay bartiisa bulshada ee Facebook – sawir uu xerada tababarka Carrighton kula galay Wayne Rooney oo ay maalmo qurux badan kusoo qaateen kooxda.

35-jirkaan ayaa ka caawiyay kooxdii Ferguson iney ku guulysato laba horyaal, sidoo kalana wuxuu ku guuleystay kabta dahabka gooldhalinta xili ciyaareedkii 2010-2011.