Diyaarado Xalay Duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose Iyo Warar Dheraad ah Oo Ka so Baxayo

0
267

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay Xalay Saq-dhexe Duqeymo  la beegsadeen Saldhig Al-shabaab ay leeyihiin.

Diyaaradaha ayaa Duqeyn la beegsaday Saldhig Xarakada  Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Ibraahin Cali Beere oo hoostagta Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in sidoo kale Duqeynta ka dib Degaanka Ibraahin Cali Beere uu ka dhacay Dagaal Toos ah oo Mudo 30 Daqiiqo ah socday,waxaana uu dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidan Lug ah oo diyaaradaha ka soo degay.

Illaa hadda lama Oga Cida leh Diyaaradaha Dagaalka ee Xalay Duqeynta ka Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose,balse Weeraro nuucaan oo kale ah,waxaa Gobolka Dhowr jeer ka geystay  Diyaaradaha Dowladda Mareykanka.