Donald Trump oo amaanay Madaxweyne Puntin xili uu meel xun marayo Xariirka Ruushka iyo Mareykanka

0
206

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amaanay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Puntin, waxa uuna ku tilmaamay nin wax garad ah oo qaatay tilaabo aad u wanaagsan.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayuu ku sheegay in Madaxweynaha dalla Ruushka Vladamir Putin uu yahay nin waxgarad ah.

Hadalkan kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Ruushka uu diiday in uu dalkiisa ka tarxiilo Diblamaaasiyiin Mareykan ah ,waxa uuna sheegay Puntin in uusan qaadeyn tilaabada uu Obama qaaday oo kale.

Dowlada Mareykanka ayaa dalkeeda ka eriday Diblamaasiyiin Ruush ah kadib markii lagu eedeeyay Dowlada Ruushka in ay faro galin ku sameesay doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka uu ku guuleestay Trump.

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in dalkiisa aanan laga eryeen diblamaasiyinta u dhalatay dalka Mareykanka, waxa uuna tilmaamay in uu ka warsugayo dowlada cusub uu hogaamin doono Donalad Trump marka bishan Janaayo xilka la wareego.