Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi oo dib uga bilaabanaya Muqdisho

0
257

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa saaka lagu wadaa inuu mar kale dib uga bilowdo magaalada Muqdisho, kaddib go’aanadii ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran.

Illaa lix Xildhibaan ayaa todobaadkii hore la doortay, waxaana harsan afartameeyo xildhibaan oo ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashada ay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashooyinka ayaa xaqiijiyay in maanta oo Sabti ah ay dib u bilaaban doonaan doorashooyinka, ayna rajeynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gaba gabeeyaan.

Doorashada Aqalka sare ee xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa dib loo dhigay, inta Madaxda Madasha Wada-tashiga ay wada tashi ka yeelanayaan khilaafka iyo muranka ka taagan xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay dalbaneyso Puntland.

Waxaa heer gabo gabo maraya doorashada Aqalka Hoose ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, halka Puntland oo 16 kursi ay u harsan yihiin lagu wado in doorashadooda ay berri bilaabato.