DOORASHADA AQALKA HOOSE EE GOBOLADA WAQOOYI OO KA BILAABNEYSA MUQDISHO IYO HALKA AY KA DHACEYSO DOORASHADA ..

0
266

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Hoose ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Doorashada Aqalka hoodse ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Xarunta Gaadiidka booliiska ee degmada Cabdi Casiis, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka halka loo qorsheeyay in doorashada maanta ay ka dhacdo.

Qaar kamid ah Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa codsaday in doorashada lagu qabto Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaa sidoo kale go’aankaasi taageeray Ra’isul Wasaaraha Somalia.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhamooda ka biyo diiday in xarunta Xalane loo wareejiyo Doorashada labada Aqal ee gobolada Waqooyi, waxa ayna Guddiga sheegeen in doorashada ka dhaceyso halkii markii hore loo qorsheeay.

Waxaa suurto gal ah in Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi maanta dib u dhacdo, waxaana khilaaf ka taagan yahay halka ay ka dhaceyso Doorashada, waxaana muuqata in lakala jiidanayo Xubnaha gobolada Waqooyi ku matalaya labada Aqal.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cbadirashiid ayaa doonaya in Xubnaha gobolada Waqooyi doorashadooda lagu qabto Xarunta Xalane si looga fogaado faro galin uu ka baqayo in Doorashadaasi ku sameyaan xubno katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda Guddiga doorashooyinka ku cadaadineysa in aan waxbo laga badalin xaruntii marka hore loo qorsheeyay, waxaana wali socda dadaalo dhinacyada ku doonayaan in xal looga gaaro halka ay doorashada ka dhaceyso.

Xarunta Gaadiidka booliiska Degmada Cabdi Csaiis waxaa dhawan ka bilaabtay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ,waxaana la filaya ain xaruntaasi ay ka siisocota doorashada Aqalka Hoose.