Doorashada Aqalka Hoose oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo

0
272

Maamulka Koofurgalbeed ayaa noqday maamul goboleedkii labaad ee lagu soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Hoose iyadoo lagu doortay magaalada baydhabo xildhibaanadii ugu badnaa ee hal magaalo lagu soo doorto.

 

Xildhibaano gaaraya 69 ayaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo iyadoo labo kursi oo ka mid ah xildhibaanadaa caawa ay doorashadeeda ka dhacday magaalada Baydhabo.

Kursiga koowaad oo caawa lagu tartamay ayaa waxaa ku tartamay Musharax Xuseen Maxamed Sheekh iyo Musharax Cumar Cali Maxamed hase yeeshee waxaa 50 cod ku guuleystey oo noqday xildhibaan Xuseen Maxamed Sheekh.

Sidoo kale kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku guuleystey Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.

Waxaa hore loogu soo gabagabeeyay doorashada Aqalka Hoose magaalada Kismaayo halka weli ay xildhibaano kooban ay ku harsan yihiin magaalooyinka Jowhar,Garowe iyo Cadaado.