Dowlada Kenya Oo Kaalmo u codsatay ciidankeeda Jooga Soomaaliya

0
238

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay kordhinayso howlgalada ciidankeeda ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya ayaa sheegtay in Beesha Caalamka ay ka codsatay in la taageero ciidanka dowladda Kenya ee ka howlgala Soomaaliya ,islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sidoo kale  xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kenya ka codsatay in miisaaniyad gaar ah loo xil saaro howlgallada dowladda Kenya ay ka fuliso Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay xustay in ciidanka dowladda Kenya ee ka howlgalla Soomaaliya aysan haysanin qalab wanaagsan oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegaysa in ay u baahan tahay in ciidankeeda joogga Soomaaliya lasiiyo hub iyo sidoo kale saanad Milatari oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya Sanadkii 2011kii markii ay bateen weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan dalka Kenya.