FAAH FAAHIN Ka sobaxeyso Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab

0
221

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa la sheegayaa inay ka dhacday Tuulada Waayo-arag oo 7-KM u jira Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo Saldhig ciidan ay ku lahaayeen Al Shabaab.

Duqeynta oo dhacday xalay saqdii dhexe waxa ay wararka sheegayaan in la beegsaday Saldhigaasi, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Cali (Najax).
Guddoomiyaha wuxuu sheegay inay maqleen duqeyntaasi, balse ilaa hada aysan haynin macluumaad sax ah oo xaqiijinaya Khasaaraha ka dhashay.

Ilaa hada si sax ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee Shabaab ka soo gaaray duqeyntaasi ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose.

Majiro Wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta xalay ka dhacday Tuulada Waayo-arag .