Guddiga doorashada dadban oo laga yaabo inay Aqoonsiga u diidaan xubnaha muranka la geliyay kuraastooda

0
287

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay qaataan go’aano adag oo ka dhan ah xubnihii ku guuleystay kursaasta Aqalka Hoose ee muranka la geliyay qaabka ay ugu guuleysteen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddiga uu cadaadis kala kulmayo xubnaha Beesha Caalamka, oo doonaya in qaar ka mid ah kuraasta shakiga ku jira aan lagu darin liiska xubnaha la gudbin doono ee Baarlamaanka cusub Federaalka.

Guddiga doorashooyinka ayaa awooda koowaad yeelan doona ee gudbinta liiska xubnihii ku guuleystay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka dhacay deegaanada, waxaana Xildhibaanada guuleystay ay ka qaadan doona xafiiska Guddiga doorashooyinka shahaadooyinka iyo natiijadii doorashada, waxaana marka ay soo qaataan ay la imaan doonaan Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, halkaasoo laga siin doono kaararkooda aqoonsiga ee Xildhibaannimada.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhowaan sheegay in aanu aqoonsan doonin natiijada doorashada kuraasta qoondada haweenka ee dhowaan lagu doortay Cadaado iyo Jowhar, waxaana tani ay noqon doontaa mid uu u daliishado diidmadiisa ku aadan in xubnaha ku guuleystay kuraastaas in dib loo celiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha laga yaabo in kuraastooda lagu celiyo ay ku jiraan kuwa qoondada haweenka loogu tala galay ee ay ku guuleysteen ragga.

Lama oga sida ay arrintan dib u dhac ugu keeni doonto fadhiga ugu horeeya ee uu yeelan doono Baarlamaanka 6-da bisha December, inkastoo laga yaabo in mudadaas ay dib uga dhacdo, maadaama aan wali la soo dhameystirin baarlamaanka, hase ahaatee la qorsheynayo in hadii la helo 3/2 la fariisin doono Baarlamaanka.