Guddiga Xalinta Khilaafka oo la kulmay Odayaasha gobolada Waqooyi Ee Soomaaliland

0
216

Guddiga Xalinta Khilaafka ee Doorashooyinka ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeeda degaanada maamulka Soomaaliland.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in ay tahay in la xaliyo qaar ka mid ah kuraasta xildhibaanada gobolada Waqooyi oo muran uu ka jiro.

Guddiga Xalinta Khilaafka ayaa sheegay in Odayaasha maamulka Somaliland ay kala hadleen muranka ka jira  doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Somaliland ayaa  wali ka socota Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horay u diiday xildhibaano kasoo jeeda degaanada maamulka Somaliland oo lagu doortay Muqdisho

Sidoo kale waxyaabaha ay ka cabanayaan Odayaasha kasoo jeeda maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid ah habka loo marayo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.