Haween isqarxiyey oo dad badan ku laayey Najyeeriya

0
285

Ciidamadda Nayjeeriya ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof lagu dilay weerar la tuhunsan yahay inay ka gaysteen kooxaha Islaamiyiinta magaalada Madagali ee waqooyiga Bari ee dalkaas.

Hadalhayeen u Hadley ciidanka ayaa sheegay in laba haween oo isku soo xiray wayxaabaha qarxa ay isku qarxiyeen suuq aad u mashquul badan, waxaana ay weerarkaasi ku dhaawaceen daraasiin dad ah oo kale.

Magaalada Madagali, oo ka tirsan gobolka Adamawa ayaa waxay muddo bilooyin ah haystay kooxda Bako Haram, waxaase sanadkii hore dib uga qabsaday ciidamadda dawlada.

Dawlada Najeeriya ayaa sheegtay in kooxda Boko Haram ay hadda baxsad yihiin laakiin ay qaadaan weeraro iska caabin ah.